Dawladda Mareeykanka oo Soomaaliya usoo dirtay Ciidamo gaar ah oo tababar siiya Xogga Dalka Soomaaliyeed

Filed under: Somali news |


Dawladda Mareeykanku waxaay ciidamo khaas ah usoo dirtay dalka soomaaliya ciidamadaas waxaa xilkooda lagu sheegay in aay u yimaadeen in aay tababaraan ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Amisom si kor loogu qaado awoodooda xirfad dagaaleed si aay isaga celiyaan cadawga aay ladagaalamayaan ee Alshabaab .
madaxweeynaha dalka mareeykanka Trump  intii uu ku jiray ololaha doorashada wuxuu ballanqaaday in uu kordhinayo dagaalka lagu hayo argagaxisada caalamka.
Dhawaan Taliyaha ciidamada maraykanka ee Xaruntoodu tahay magaalada jabuuti wuxuu codsaday  Madaxweeyne Trumpina u oggolaaday in lasiiyo awood dheeraad ah iyo madaxbanaani uu ku weerarayo goobaha aay ku sugan yihiin argagaxisada Alshabaab arintaas oo dawadda Soomaaliya si aad ah usoo dhaweeysay .
hadda kahor ciidamada mareeykanku waxaay ku ekaayeen oo qur ah in aay ku weeraraan Shabaabka dayuuradaha aan cidina wadin ee loo yaqaan Drone-ka oo sida la ogyahay lala beegsaday hoggaamiyaal alshabaab ka tirsan oo uu kamid ahaa Hoggaamiyihii Argagaxisada Soomaaliya gacankudhiigle  Godane iyo kuwo kale oo caan ku ahaa daadinta dhigga ummadda Soomaaliya.
madaxweeynaha Soomaaliya Farmaajo oo dhawaan ka hadlayey Munaasabaddii 12ka April ee Xogga Dalka wuxuu iclaamiyey dagaal baahsan oo lagu qaado Argagaxisada Alshabaab  isagoo sheegay in labo sano gudahood dalka looga sifaynayo kooxda burcad diimeedka ah ee alshabaab.
Waxaa dawladda Mareeykanka iyo dawlado kalaba dawladda Soomaaliya ka caawinayaan sidii loooo celin lahaa awoodii ciidamada qalbka sida aay lahaan jireen

Yusuf Cabi  Mohamed
Xaafiiska Kasmaal
Mogadishu/Somalia